5-Qof dhimasho Dagaal Beellaad Ka dhacay Cabuud-Waaq

cabuudwaaqCabuud-Waaq (estvlive) 11/01/2017

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in galabta casir liiqii uu halkaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

Dagaalka oo la sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil ayaa sababay dhimashada shan ruux oo isugu jiray rayid iyo dhinacyadii dagaallamay, waxaana goobaha caafimaadka la dhigay dad ku dhaawacmay dagaalka galabta ka dhacay degmada.

Goob joogayaal ku sugan degmada Caabud-waaq ayaa inoo sheegay in dagaalka galabta uu  dhacay kadib markii garab ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda dileen qof ka soo jeeda dhinaca kale, taasoo keentay in dagaalka uu halkaa ka qarxo.

Ma’aha markii ugu horeysay ee sidan oo kale maleeshiyaada ugu dagaalamaan degmada, hasse ahaatee dagaalkan galabta ayaa imanaya xili dhawaan hishiis laga gaaray beelo horay halkaa ugu dagaalamay.

 

Comments are closed