C/Kariim Xuseen Guuleed oo sheegay inaan loo dulqaadan karin dadka dhibka ka wada Galmudug

galmudugCadaado (estvlive) 11/01/2017

Madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin dadka dhibka ka wada Galmudug ayadoo shalay cod kalsoonidii lagala noqday asaga loogu dhex qaaday baarlamaanka Galmudug balse uu diiday sax ahaanshihiisa.

 

 

Dad gaar ah ayuu farta ku goday oo uu sheegay inay ka shidaal qaadanayaan mooshinkaa oo meelo ka baxsan Galmudug laga soo abaabulay.

54 xildhibaan ayaa kalsooni darrada codka ah u qaaday shalay oo ahayd maalin Salaaso ah gudaha baarlamaanka Galmudug magaalda Cadaado. ‘Waxa dhacay waa wax sharci darro ah. Waa wax looga dan leeyahay in lagu dumiyo maamulka Galmudug’. Sidaa ayuu yiri madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guuleed.

“Laakin cid yeeleysa in fowdo la sameeyo maleh. In dhowr xildhibaan inta is abaabulaan guddoomiyihii baarlamaanka oo maqan ay yiraahdaan baarlamaanka hanaloo furo kalfadhigaan qabsanaynaaye cid aqbali karta maleh’. Madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guuleed ayaa intaa raaciyay.

Mooshinkii shalay kadib ayaa madaxweynaha Galmudug C/Kariim Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay in 3 bilood oo xaalad dagdag ah lagu soo rogay Galmudug.

 

Comments are closed