DAAWO: Madaxweeynaha Jubaland oo u hambalyeeyay Jawaari

axmedmadoobeKismaayo (estvlive) 11/01/2017

Madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Max’ed Islaam ayaa hambalyo u diray gudoomiyaha la doortay ee baarlamanka dalka Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari kaa oo xilkaasi heyn doona afarta sano ee soo socota.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in uu soo dhaweeynayo xilka loo magacaabay Jawaari isagoo xusay in uu yahay nin howshaasi aqoon iyo karti u leh, wuxuuna intaa ku daray in doorashada maanta dhacday ay tahay mid taariikhi ah, oo muujineeysa horumarka iyo xasiloonida uu dalka ku tallaabsaday.

Wuxuu sidoo kale hambalyo u diray musharixiintii kale ee tartanka looga guuleystay, isagoo sheegay in ay muujiyeen karti iyo dadaal.

Halkan ka daawo khudbadda Madaxweeynaha oo dhameystiran:
– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2017/Jan/wararka_maanta11-129271.htm#sthash.cJSU9kEZ.dpuf

Comments are closed