Golaha Qurba-joogta Puntland oo Madaxweyne Gaas ku Dhaliilay Hogaan xumo

gaas1Toronto (estvlive) 11/01/2017

Dowladda uu Hogaamiyo madaxweynaha Puntland ee C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu dhaliilay waxqabad la’aan ka dib shir loo dhan-yahay ooay  isugu yimaadeen qurba joogta Puntland ,kaasi oo ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canada.

 

 

Kulankan waxaa ka so qayb-galay inta badan waxgaradka Puntland ee ku sugan qurbaha ,kuwaasi oo ay ku jiraan cuqaal ,waxgarad , aqoon-yahano iyo  waliba xubno muhiim ah ooo ka tirsan bulshada Puntland ee qurbaha ku nool.

Waxaa lagu dhaliilay madaxweyne Gaas in xukuumad-diisa ay ka gaabsisay daryeelkii bulsho ee laga filiyay iyo waliba soo celinta deegaanada Puntland ka maqan ,iyadoo si gaar ah loo qeexay qodobo dastuuri ah oo la sheegay in xukuumad-da hadda jirta ay ku tumatay.

Qodobad lagu xad-gudbay ayaa la sheegay in ay kamid yihiin.

1-Xorriyadda fikirka muwaadinka.

2-Xuquuqda iyo madaxbannaanida warbaahinta xorta ah oo ciriiri la geliyay.

3-Hirgalin la’aanta hanaanka dimuqraadiyanta Puntland.

4-Baarlamaanka Puntland oo ku milmay xukuumadda, lumiyeyna waajibaadkiisii ku aadanaa  isu-dheellitirkahay’adaha dawladda, sida la xisaabtanka iyo kormeerka xukuumadda, ansixinta heshiisyada, iyo max la mid ah

5-Maamul xumo soo wajahday agaasinka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, iyo musuqmaasuq lagu eedeenayo qaar ka mid ah hay’adaha dawladda, oo ilaa iyo hadda aad mooddid in aan wax laga qaban.

6- Dowladda oo lagu eedeeyay lacag sharci darro ah oo ay soo daabacatay, taas oo abuurtay sicir barar saameeyey dhaqaalihii dalka iyo nolol maalmeedkii bulshada.

7- Mas’uuliyiintii dowladda oo iyagoo laga sugayo xalka dhibaatooyinka kor xusan, u dhoofa safarro shaqo oo joogta ah, oo aan miro dhal muuqda ahayn.

Ugu danbayn,golaha Qurbja-joogta Puntland  ayaa kulanka ay yesheen oo dhacay dabayaaqadii sanadkii hore ,waxa ay ka soo saareen qodobo lagu difaacayo midnimada iyo jiritaanka Puntland ,kuwaasi oo badankood diirad-da saarayay sidii Puntland ay uga gudbi lahayd nidaamka ku dhisan qabaliga, kaasi oo xuquuq badan duudsiiyay qaar kamid ah dadkii wax ka dhisay maamulka.

 

Comments are closed