Madaxweynaha Puntland oo Khudbad Toos ah U Jeedinaya Dadweynaha Reer Puntland

gaasGaroowe (estvlive) 11/01/2017

Maaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad toos oo uu kaga hadlayo waxqabadkii dowladda ee saddexdii sanno ee uu hayay xilka madaxtinimada dowladda Puntland ka jeediyay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Bosaso

 

Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa oo toos looga daawanayo telefishanada Soomaalida, wuxuu xooga ku saaray arrimaha la xiriira xaaladda ammaanka Puntland, siyaasadda, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dhowrista Degaanka iyo arrimo badan oo la xiriira arrimaha bulshadda oo uu sheegay in xukuumadiisu wax ka qabatay.

wuxuu sheegay in mudadii uu xilka hayay ay xukuumadiisu dagaal adag la gashay kooxo argagixiso ah oo puntland ku soo duulay, kuwasoo uu sheegay in laga adkaaday, dalkana laga saaray.

wuxuu kaloo uu ka hadlay dhismaha iyo ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday dhismaha Garoonka diyaaradaha Bosaso iyo garoonka Garoowe oo hadda meel gabogabo maraya, waxaa kaloo uu xusay  in dowladu hirgalisay dhismayaasha wadooyin  iyo buundooyin muhiim oo ku yaal magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo  degaamadda kale ee laamigu ka fogyahay.

Gabagabadii, Khudbada Madaxweynaha oo sanadkiiba uu mar uu jeediyo ayaa halkudhiga sanadkan 2017ka waxaa uu  ahaa KAB KAABAYAASHA DHAQAALAHA AANU KABANEE.

Khudbada Madaxweynaha oo dhamaystiran dhowaan ayaanu idiin soo gudbin doonaa.

Comments are closed