Obama oo gobolkiisa ka jeediyay khudbadii ugu dambeysay inta uusan xilka wareejin

2017111636196973166169394obamaout2Mareykanka (estvlive) 11/01/2017

Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Mareykanka Barrack Obama ayaa gobolkiisa ka jeediyay khudbadii ugu dambeysay inta uusan xilka wareejin.

 

Magaalada uu kasoo jeedo ee Chicago ayuu ka jeediyay khudbadaa xalay asagoo dadka Mareykanka oo dhan la hadlaayay. Khudbadaa ayaa si toos ah talefishinada looga daawanaayay.

Waa waqtigiisii ugu dambeeyay ee uu khudbad jeediyo asagoo madaxweyne ah dabcan maadaama 20ka bishaan uu furaha aqalka cad ku wareejinaayo madaxweynaha la doortay Donald Trump.

Wax badan inay u qabsoomeen asaga iyo dawladiisii ayuu sheegay laakiin dad badan ayaa aaminsan oo reer Mareykan ah in waxa uu qaribay ay ka badan yihiin kana saayid caleeyeen wixii uu wanaajiyay.

Waxyaabaha laga xusi karo wixii uu hagaajiyay waa sida ay dad badan oo Mareykan ah aaminsan yihiin waxaa kujira barnaamijkiisa caafimaatka ee Obama Care balse caalamka oo idil ayaa siyaasadiisu saamayn xun ku reebtay ayadoo dalal badan duqeymo ciidamada Mareykanku ka geysteen dawladihiina ay rideen ama caawiyeen in la rido.

 

Comments are closed