Qiimayn Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Hor-Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga Ah Ee DDSI

sucaad1Jigjiga (stvlive) 13/01/2017

Shir qiimayn ah oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan shaqaalaha Geedisocodyada kaladuwan ee xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah Islamarkaana ay shir gudooominaysay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa si heer sae ah uga dhacay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

 

sucaad2Hadaba, shirkan ayaa waxaa furtaankiisii kahadlay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayaraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax islamarkaana goobjoog ka ahayd qiimayntan bilow ilaa dhamaad waxayna xustay marwadu in qiimayntani tahay mid la isku qiimaynayo shaqsi shaqsi iyadoo laiskula xisaabtamayo hirgalinta qorshayaasha xafiiska uyaala, shaqo wanaaga, ilaalinta saacadaha shaqada,  is xilqaanka, musuqa  cadcadaanta iyo islaxisaabtanka xilka iyo waajibaadka shaqo ee loo idmaday shaqsi walba, oo shaqaale ka ah xafiiska. Sidookale waxaa iyana lasoo dhigi shaqsiyaadk shaqo wanaaga leh ee ku dayashada mudan.

Sidookale madaxwayne ku xigeenka ayaa tilmaantay in agaasimayaashu ay qiimeeyaan shaqaalahooda shaqaaluhuna iyagu ay isqiimeeyaan si xaq ah oo cadcadaan ah waji gabaxna lahayn,

[AdSense-A]

Sikastaba ha ahaatee, qiimayntan loo qabtay shaqaalaha xafiiska Hor-Beeraha iyo Khay-dabiiciga ah ayaa ahayd mid laisu qiimeeyay shaqsi-shaqsi waxayna kusoo dhamaatay in shaqsiyaadkii loo soo dhigay dhaliilaha badan ay iskasaxaan, shaqsiyaadka wanaagsana ay siiwadaan wanaagooda islamarkaana qiimayntani ay noqonyso mid joogta ah oo aan maanta qudha noqonaynin.

Ugudanayna shaqaalaha oo dareenkooda kahadlay ayaa tilmaamay in qiimayntani ay ahayd mid aad u fiican islamarkaana ay aad ugu faraxsanyihiin maadaama oo meesha lasoodhigay dhaliilaha ay shaqsiyaadka qaar leeyihiin iyo wanaaga iyo shaqo fiicnida ay shaqaalaha qaarkood leeyihiin midaasina ay tahay mid aad u wanaagsan oo aad loogu farxo.

Comments are closed