Golaha Xildhibaanada DDSI Oo Tababar Jigjiga Looga Furay Maanta

baarlamaakaJigjiga (estvlive) 13/01/2017

 Tababar ay si wada jir ah usoo agaasimeen wasaarada xeer ilaalinta iyo cadaalada JDFI iyo xafiiska xeer ilaalinta iyo cadaalada DDSI islamarkaana loo qabtay golaha xildhibaanada DDSI ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

 

b1Hadaba tababarkan oo ay hayeen xubno ka socday wasaarada xeer ilaalinta iyo cadaalada JDFI ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii loo ilaalinlahaa xuquuqda aadahamaha loona sii xoojin lahaa qodobada ka hadlaya xuquuqul insaanka ee ku xusan tastuurka, Wuxuuna afhayeenku intaa ku daray inuu tababarkan yahay mid muhiim ah islamarkaana kor uqaadaya garaadka siyaasadeed iyo mid aqooneedba, maadaamo uu yahay mid dhan walba ka taabanaya sida loo ilaalinlahaa xuquuqda aadamaha.

b2Ugu danbayna wuxuu afhayeenku kula dardaarmay xildhibaanada inay ka faaiidaystaan tababarka mudada uu socdo maadaamo uu yahay tababar aad muhiim u ah.

Comments are closed