Ismaaciil Cumar Geele oo rajo ka qaba in maamulka Trump uu Afrika wax tari doono

geeleJabuuti (estvlive) 13/01/2017

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in madax badan oo Afrikaan ah ay  qabaan in madaxweynaha Mareykanka ee dhawaan la doortay Donald Trump uusan dareen siin doonin Afrika.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka rajo qaba sida uu sheegay in dawlada Jabuuti adkeyso xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka, gaar ahaan waqtiga uu madaxweynaha yahay Trump,

“Laakiin annaga ka Jabuuti ahaan xiriir wanaagsan ayaan la leenahay Mareykanka kaa soo aan ka rajo qabo in uu sii socon doono’.ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geele.

 

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ku yaala saldhig ciidamada Mareykanku leeyihiin.

Sanadkii 2014, Mareykanka iyo dawlada Jabuuti ayaa kala saxiixday 10 sano ah oo salka ku haya saldhiga ciidamada Mareykanka-Camp Lemonnier, dalkaasi Jabuuti

Xeradaa ayaa waxaa daggan ilaa 4,000 oo ah ciidamo Mareykan ah.

 

Comments are closed