Itoobiya iyo Soomaaliya oo qorsheeynaya dhismaha wado isku xiri doonta labada dal

xasanMuqdisho (estvlive) 13/01/2017

Raysul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay tixgelin siinayaan sidii ay u ambaqaadi lahaayeen mashaaric lagu soo celinayo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddo isku xiri doonta labada dal.

 

Isagoo hadal ka jeedinayay kulan ay maalintii Khamiista magaalada Adisababa ku yeesheen baarlamanka dalkaasi, ayuu sheegay in xiriirka dhinacyada siyaasadda iyo Militariga ee u dhexeeya labada dal uu yahay mid wanaagsan, isagoo xusay in Itoobiya ay sameyn doonto wax walba oo ay awoodo si ay dib ugu soo celiso nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya.

[AdSense-A]

Raysul wasaaraha ayaa sheegay in madaxda labada dal ay hore isula meel dhigeen in la bilaabo mashaariic lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaa oo uu xusay in ay daaha ka rogi doonaan marka ay soo idlaadaan doorashooyinka ka socda Soomaaliya.

Wuxuu xusay in ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay dagaallo kula jiraan kooxda Al-shabaab ee Soomaalya, isagoo intaa ku daray in Itoobiya ay kala shaqeeyneeyso IGAD, AU iyo Qaramada Midoobay sidii ay u caawin lahayd dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya si ay dalka uga dhacaan doorashooyin xor iyo Dimuqraadi ah.

Heilamariam ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaageeyso, isagoo rajeeyay in dalku noqon doono mid isku filnaasho gaara mustaqbalka dhow.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa qorsheeynaya dhismaha wadooyin isku xiri doona labada dal, maadaama Soomaaliya ay leedahay Dakado waaweyn, kuwaa oo qeyb ka qaadan doona isku xirka ganacsiga labada dal.

Dowladda Itoobiaya ayaa hore ula lahayd dalalka ay deriska yihiin, sida Jabuuti, Sudan, Suudaanta Koonfureed, wadooyin Caadi ah iyo  kuwa ay maraan Tareennada

Comments are closed