Maamulka Balad Xaawo oo soo rogay awaamiir kusaabsan qarashka aroosyada ku baxa

BALADXAAWOBalad-xaawo (estvlive) 13/01/2017

Maamulka Balad Xaawo, gobolka Gedo, ayaa soo rogay awaamiir kusaabsan qarashka aroosyada ku baxa.

Maamulka ayaa sheegay in sidan ay u samenayaan si loo fududeeyo dadka is guursanaya guurka oo aan qarash badan lagu xirin.

 

Meherka ayuu maamulku sheegay in gabadha ama haweeneyda la guursanayo ay leedahay ayna sheegan karto intii ay doonto laakiin qarashka guurka ayaa maamulku doonayaa in uusan dhaafin 600 oo doolar.

[AdSense-A]

Kaddib dood badan oo arintan laga yeeshay ayuu maamulku sheegay in go’aankaa la xiriira kharashka ku baxa guurka ay soo saareen.

Sariirta iyo kuraas caag ah iyo daahyada dariishadaha iyo albaabada ah oo qura ayuu amray inaan laga badin.

Daahiyada gidaarada lagu wareejiyo ayaa gebi ahaanba maamulka degmada Balad Xaawo uu mamnuucay asaga oo awaamiirtaa dhan lagu soo saaray wareegto ka soo baxday maamulka.

Siddoo kala maamulka ayaa wareegtada ku soo saaray in martida xiliga arooska aan lagu soorin karin wax ka badan saddex neef oo Ari ah.

Arinkaan ayaa la filayaa in dhallinyaro badan uu ku dhiiri-galiyo in ay guurka u deg degaan.

 

Comments are closed