Madaxwaynayaashii Hore Oo lagu wareejiyay Furayaasha Guryo Si Casri Ah Loo Dhisay

g1Jigjiga (estvlive) 13/01/2017

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si heersare ah ugu wareejiyay furayaasha guryo si casri ah loo dhisay madaxwaynayaashii hore ee Deegaanka soo maray. Guryahaas oo lagu magacaabo Real State islamarkaana laga dhisay duleedka magaalada jigjiga.

 

 

g2Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay gudoonsiinta furayaasha madaxwaynayaashii hore ayaa tilmaamay in xukuumadu ay ku maamuusayso xilkoodii iyo waxqabadkoodii ay ka qaybqaateen in maanta halkan deegaanku soo gaadho. Wuxuuna madaxawaynuhu intaa kudaray in madaxwaynayaashani hada kahor lasiiyay dhul balaadhan oo loogu talagalay waxsoosaar islamarkaane ay beereen calafka xoolaha. Waxsoosaar faaiido badan lehna ay ka heleen iyagoo iskaashato ah. Hadana larabo in xaga waxsoosaarka iyo beeraha ay sifiican ugu jeedsadaan si bulshadu ugu dayato. Iyagoo soo maray madaxwayne deegaan ay hadana samaynayaan tabaca beeraha iyagoo odayaasha deegaanka ah sharaf iyo tixgalina kamudan bulshadooda iyo xukuumadoodaba.

g2Sidookale, madaxwaynayaashii hore ee deegaanka ayaa mahadcelin balaadhan oo farxadi ku dheehantahay u soo jeediyay madaxwaynaha deegaanka mudane cabdi maxamuud cumar. Waxayna carabka ku dhufteen in xukuumada maanta DDSI ka arrimisa ay tahay xukuumad hal abuur leh islamarkaana waxqabad balaaadhan samaysay tixgalin badana siisay madaxwaynayaashii hore ee deegaanka.

Iskudoowada duuboo guryahan real state ka ee xukuumadu kadhistay duleedka magaalada jigjiga ayaa sidookale maalmo kahor iyana furayaashooda lagudoonsiiyay wasiirada xafiisyada heer deegaan.

Comments are closed