USA: Obama oo joojiyey Nidaamkii Sharciga lagu siin jiray Qaxootiga Reer Kuba – VIDEO

U.S. President Barack Obama (R) and President Raul Castro (L) of Cuba shake hands during a bilateral meeting at the United Nations Headquarters on September 29, 2015 in New York City.  Castro and Obama are in New York City to attend the 70th anniversary general assembly meetings. (Photo by Anthony Behar-Pool/Getty Images)

Mareykanka (estvlive) 13/01/2017

Madaxweynaha xilka wareejinaya todobaadka soo socda ee Barack Obama ayaa qaaday tilaabo weyn oo wax looga qabanayo xiriirka Maraykanka iyo dalka Kuba (Cuba).

 

Obama ayaa markii ugu horeysay laalay nidaamkii Dowlada Maraykanka ay sharciga degenaanshaha kusiin jirtay dadka qaxootiga ah ee kasoo baxsada jasiirada Kuba.

[AdSense-A]

Nidaamkan ayaa qeexayey in qaxootiga ka yimaada Cuba hadii ay cagaha soo dhigaan dhulka Maraykanka lasiinayo xaquuq dheeraad ah oo ay ku heli karaan sharciga degenaanshaha ee Maraykanka.

Barack Obama ayaa sanadihii lasoo dhaafay dadaal ugu jiray in la hagaajiyo xiriirka u dhaxeeyey dalalka jaarka ee Maraykana iyo Cuba oo ay xiisadi ka dhextaagneyd tan iyo xiligii dagaalka qaboobaa.

Cuba ayaa u aragtay sharciga Maraykanka sida khaaska ah u siin jiray dadka ka qaxa dalkaasi Kuba ay tahay mid albaabka u furtay in dhalinyaro badan iyo dadka aqoontaleh ay isaga tahriibaan jasiiradaasi iyagoo doonyo u raaci jiray Maraykanka.

Comments are closed