Wafdi Maal-gashi ku sameynsan deegaanka ayaa kulan la Yeeshay Masuuliyiin Sare DDSI

bixii3Jigjiga (estvlive) 13/01/2017

Waxaa Magaaladi Jigjiga Kusugan wafdi Heer Caalimi ah oo Maalqabeyn ah sifa ay u Maalgashi ay uga sameysan lahaayeen Deegaanka. Hadaba Maanta ayaa waxey kullan layeesheen Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

 

bixi1Waxaana Xafiiskeeda Ku qaabishay Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Ahna Wasiirka Hormarinta Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Marwo Sucaad axmed Faarax  haalkaasi ay kusoo dhaweysay Wafdiga ayna kawada hadleen Qorshooyinka iyo istaraajiyada dhanka maalgashiga heer deegaan iyo fursadaha Maalgashi ee deegaanka ka Jira islamarkaana Xukumaada Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya At soo dhaweynayso.

[AdSense-A]

Wafdigan ayaa waxey Booqdeen warshada hilibka ee Jesh  oo laga hirgaliyay  tuulada dhagaxle ee degmada gursum Waxaana halkaasi looga warbixiyay warshadan ayaa waxey shaqo abuur u samaysay 1200 qof oo ah muwaadiniin u dhashay deegaanka  islamarkaana dhanka kalena ay  kaalin balaadhan ka qaadanaysha hawlaha horumarka gaar ahaan suuqgaynta xoolaha deegaanka taasi oo bulshada deegaanka oo hodan ku ah xoolo dhaqatada ay u suurta galinayo in ay u helaan suuq ay xoola hooda ku iibiyaan oo markii hore aan lahayn warshad noocan oo kale ah.

biixi2Ugu dambeyntii Wafdigan ayaa booqan doona Goobaha ku haboon dhanka maalgashiga ee deegaanka somalida Itoobiya Qurbajoogta u dhalatay Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya waxey ka qeyb qadanayaan sidii deegaanka loo hormarinlahaa Islamarkaana Ganacsato shisheeye ah iyo hay’adaha maal-gashiga ee caalamiga ah ayaa u arka dalka Itoobiya inay tahay meel la maal-gashan karo, haddaba, Shirkadan Maal-gashiga  ee dalka Yurub ayaa kulan layeesheen Masuuliyiin katirsan dawlad deegaanka somalida itoobiya

Comments are closed