DAAWO Galmudug: Wasiirka Gudaha oo sheegay in Cabdikarim xilka laga qaaday & Cadaadis NISA ku heyso Baarlamaanka– VIDEO

galmudugGalmudug (estvlive) 14/01/2017

 Ciidamada NISA ayaa bilaabay cadaadis ay saarayaan xildhibaanada Galmudug ee xilka ka xayuubiyey Madaxweynihii Galmudug Cabdikariim Guuleed.

 

Ciidamada Nabadsugida ee ku sugan Cadaado ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada magaalada Cadaado xili ay Xildhibaanada Galmudug wadaan dadaal ay donayaan in lagu qabto doorasho lagu soo doorto Madaxweyne cusub.

Cabdikariim Guuleed oo isagu xaalad degdeg ah kusoo rogay Cadaado isla markaana taageero ka helaya Madaxweyne wakhtiga ka dhamaaday ee Xassan Shiikh ayaa ciidamo dhigay qeybo kamid ah magaalada.

Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inuu xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Galmudug Jaamac Salaad, hase yeeshee Wasiirka ayaa sheegay in Cabdikariim uusan wax xil ah ka qaadi karin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug Jaamac Salaad oo wareysi siiyey idaacada VOA ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu xilkii ka xayuubiyey Cabdikariim Guuleed uusan awood u lahayn inuu isaga xilka ka qaado.

Wasiirka ayaa sheegay inay iyagu taageersan yihiin go’aankii Baarlamaanka Galmudug isla markaana xilka uu hayo ku wareejin doono markii la dhiso Xukuumada cusub.

Comments are closed