DAAWO Ivory Coast: Militariga Gadoodka sameeyey oo ogolaaday Wadahadal – VIDEO

ivrIVORY (estvlie) 14/01/2017

Ciidamada Militariga dalka Ivory Coast ee gadoodka sameeyey ayaa aqbalay heshiis kadib markii loo balanqaaday mushaharkooda.

 

Militariga ayaa xiray wadooyinka taga labo magaalo oo dalkaasi ka tirsan oo ay ku jirto magaalada Bouake ah ee magaalada labaad ee dalkaasi iyo magaalada waqooyiga ku taal ee Korhogo.

Wadahadalka ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada.

Balanqaadka loo sameeyey ciidamadan ayaa la sheegay inay kamid tahay in mid walba mushaharkiisa loogu dari doono 8.000 dollar, wallow aan la aqoon sida dowlada ay lacagtaasi u bixin doonto.

Ciidamada wadankaasi Ivory Coast ayaa lagu qiyaasaa 22.000 askari waxaana kamid ah maleeshiyaad badan oo horey loo Qarameeyey.

Comments are closed