DAAWO Turkey: Baarlamaanka oo gacan ka hadal kadib cod u qaadaya Dastuurka – VIDEO

turkigaTurkiga (estvlive) 14/01/2017

Baarlamaanka Turkiga oo todobaadkan la horgeeyey Qorshaha cusub ee xukuumada Erdogan ku dooneyso in lagu bedalo Dastuurka qodobo kamid ah ayaa gacanta isula tagay.

 

Gacan ka hadalka ka dhacay Baarlamaanka ayaa ahaa mid la xariira qodobada xasaasiga ah ee la doonayo in Dastuurka laga bedalo.

Madaxweyne Erdogan oo gadaal ka riixaya qorshaha Dastuurka lagu bedalayo ayaa doonaya in awooda Dowlada la hoos geeyo Xafiiska Madaxweynaha, iyadoo horey nidaamka dalkaasi uu awooda maamulka inteeda badan lahaa Raysalwasaaraha.

Kadib gacan ka hadalkii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, xildhibaanada ayaa ku heshiiyey 8 kamid ah 18 qodob ee la doonayo in isbedal lagu sameeyo.

Waxayna u muuqataa in Erdogan uu ka gudbay caqabadii ugu horeysay ee hortaagneyd qorshihiisa, waxaase khasab ah in isbedalka Dastuurka uu marka hore maro labo jeer uu ay codka u qaadaan Xildhibaanada iyo waliba ugu danbeyn Afti dadweyne.

Comments are closed