Jawaari oo beeniyay in uu khadka talleefoonka uga qeyb-galay kulan ay yeesheen hogaamiyayaasha madasha

jawahiriMuqdisho (estvlive) 14/01/2017

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa beeniyay in uu khadka talleefoonka uga qeyb-galay kulan ay yeesheen hogaamiyayaasha madasha looga hadlayay xiisada siyaasadeed ee Galmudug. Warka ku saabsan in uu guddoomiye Jawaari beeniyay ka qeyb-galka kulanka madasha ee khadka talleefoonka ayaa la soo dhigay bogga Twitter –ka ee guddoomiyaha uu ku leeyahay barta Internteka, isaga oo sheegay in xiligan sharciyan jirin wax loogu yeero madal wadatashi.

jawahir

 

Madaxtooyada Galmudug ayaa dhawaan war ay soo saartay ku sheegtay in kulan ay khadka talleefoonka ku yeesheen hogaamiyayaasha madasha uga soo horjeesteen go’aankii ay qaateen qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug, hasse ahaatee warka arintan ku saabsan waxaa beeniyay guddoomiyaha barlamaanka Prof Jawaari oo sheegay in uusan ka qeyb-galin kulanka la sheegay.

Comments are closed