Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Dooxooyinka DDSI Oo Ka Warbixiya Waxqabadka 6dii Bilood Ee La Soo Dhaafay.

suladan heyreJigjiga (estvlive) 14/01/2017

Wasiirka houmarinta  waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed (Suuldaan khayre) oo shabakada wararka ee CakaaraNews waraysi siiyay ayaa ka warbixiyay waxqabadkii 6dii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee uu fuliyay xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI

 

 

Wasiirka ayaa sheegay in qorshihii u yaalay xafiiska 6dii bilood ee la soo dhaafay laga soo hooyay guulo waawayn oo gashi u noqday  bulshada Deegaanka isaga oo tibaaxay in dib u dajin loo sameeyay 3,292 oo qoys 6dii bilood ee la soo dhaafay kuwaasi oo markii hore ahaa bulsho xoolo dhaqato reer guuraa ahaan jiray. Balse markii  la dajiyay bulshadan  isbadal horumarineedna lagu sameeyay hab nololeedkoodii lagana dhigay bulsho xoolo dhaqato beeralay ah kana  raystay noloshii adkayd ee reer-guuraaga ahayd kuwaasi oo ka   faa’iidaysta mashaariicaha kale ee adeegyada bulshada  sida , waxbarashada caafimaadka, xarumaha xanaanada iyo helitaanka  biyaha nadiifta ah ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay goobaha laga sameeyay dib u dajinta.

[AdSense-A]

Dhinaca kale wasiirka ayaa tibaaxay hirgalinta mashaariicaha waaweyn ee horumarka waara (SDG)  gaar ahaan  mashaariicaha la dhamays tiray ee ay ka mid yihiin buundada waangay, mashaariicaha  biyo galinta xaaqo, qabribayax, harta sheekha,  birqod, gunagada, buundada soora iyo buundooyin kale oo muhiim u ah isku socodka bulshada degmooyinka deegaanka ee hore u kala xidhnaan jiray. wasiirka oo hadalkiisa ayaa sheegay in mashaariicaha waraabka ee la bilaabay ay ka mid yihiin mashruuca waraabka ee  hadhaawe, dulqabaw, waaji, hiinlay iyo mashruuca waraabka kulan

Ugu danbayntii wasiirka ayaa sheegay in dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ay sal u yihiin hirgalinta mashaariicaha horumarka waara ee SDGga iyo sidoo kale hirgalinta qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha wajigiisa 2aad ee (GTP2) ee dalku kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay

Comments are closed