Xukuumada Oo Kulan Wadatashi Ah Layeelatay Odayaasha Beelaha Duubo Iyo Shabeele

duubo01Jigjiga (estvlive) 14/01/2017

Xukuumada DDSI ayaa kulan wadatashi ah oo lagaga wada arinsanayay kamidho-dhalinta hawlaha horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban layeelatay odayaasha kasoo jeeda beelaha duubo iyo shabeele ee dega jiinka wabiga shabeele.

 

duubo02Hadaba kulankan oo ay hogaaminayeen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, Ayaa waxaa kasoo qaybgalay Odayaasha, Suldaamada, ugaasyada, Dhalinyarada iyo hooyooyinka kasoo jeeda beelaha duubo iyo shabeele.

Kulankan oo lagu lafaguray sidii ay beelahani wada jir ugala shaqayn lahaayeen xukuumada yoolasha horumarineed ee dalka iyo deegaankuba hiigsanayaan islamarkaana ay uga qayb-qaadan lahaayeen horumarka laxaadka leh ee kataabagalay deegaanka iyo waliba nidaamka maamulka suuban oo kaqabsoomay guriga shirarka ee kaali2 ayaa kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo niyad kamidaysan kaqaybqaadashada horumarinta danaha guud ee shacabwaynaha deegaanka.

Dhanka kale, odayaashii iyo waxgaradkii beelaha ee kaqaybgalay kulankan wadatashiga ah ayaa balanqaaday inay xukuumada DDSI lagarab taagan yihiin taageero hiil iyo hooba ah islamarkaana cadeeyay in xukuumada maanta ka arimisa deegaanka ay tahay xukuumad kusifawday cadaalad, dimoqraadiyad, sinaan oo ay udheer tahay lahaanshaha aragti shacab, kadamqashada iyo waliba kajawaabida baahida shacabka iyagoo xusay inay kaqayb-qaadanayaan hawlaha horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban. Waxayna ugu danbayn, si balaadhan uga mahadceliyeen xukuumada iyo xisbigaba soo dhawaynta iyo qaabilaada diiran ee loo sameeyay.

Comments are closed