Falastiin oo Safaaradii ugu horeesay ka furatay Vatican-ka

falastiinVatican-ka (estvlive) 15/01/2017

Dowlada Falastiin ayaa safaarad cusub waxa ay ka furatay xarunta Vatican-ka , waxaana halkaasi booqasho rasmi ah ku tagay Madxaweynaha Falastiin Mahmoud Abbas.

Madaxweynaha Falastiin ayaa la kulmay Pope Francis, Baadariga Mad-habta Catholic-gada, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen muhiimada ay leedahay safaaradan laga furay Vatican-ka, maadaama Vaticanku u aqoonsaday Falastiin Dowlada rasmi ah.

vati_6

Mahmoud Abbas ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay safaarad ka furtaan Vatican-ka , waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo Dowlada Falastiin ay soo dhaweenayaan arintaasi.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Baadariga ugu weyn Diinta masiixiga sidii xal looga gaari lahaa muranka kala dhaxeeyo Maamulka Israa’il, waxa uu sidoo kale kala hadlay qorshaha Donald Trump ku doonayo in Safaarada Mareykanka ee Israa’il usoo wareejiyo Qudus.

Comments are closed