Guddoomiyaha cusub ee Baladweyne oo ka hadlay Bandowga saaran magaalada

baladweyneBaladweye (estvlive) 15/01/2017

Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Maxamed Axmed Foodcadde,ayaa waxaa uu ka hadlay amniga magaalada,Bandowga saran iyo qorshaha uga yaalla Maamulka cusub xaqiijinta amniga Magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha cusub oo xilka la wareegay Dhwaan ayaa sheegay in xaafadda Buundo weyn ee magaaladaas uu bandowga uu sii saarnaan doono inta ay ka xaqiijinayaan amniga guud ee magaalada.

 

Sidoo kale Dadka Magaalada Baladweyne ayuu ka codsaday in ay maamulka kala shaqeeyaan nabadeynta iyo

xaqiijinta amniga Magaalada Baladweyne.

Guddoomiye Foodacadde ayaa sheegay in maamulka cusub ay xoogga saari doonaan sugidda amniga iyo is dhexgalka Bulshada Baladweyne.

Guddoomiyaha ayaa waxaa dhawaan magacaabay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle,waxaana uu beddelay kii isaga ka horreeyay oo uu isna xilka ka qaaday Madaxweyne Cosoble.

Comments are closed