Hay’adda UNHCR oo sheegtay in 500 oo qoys dib ugu soo celinayaan Soomaaliya

jaribanDhadhaab (estvlive) 15/01/2017

Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in maalinta beri ah dalka Soomaaliya ay kusoo celineyso qaxooti badan. Ku dhawaad 500 oo qaxooti Soomaali ah kuna sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayay hay’addu sheegtay inay kusoo celin doonto gudaha dalka Soomaaliya. Dadkaasi ayaa badankood la qorsheynayaa in la geeyo deegaanada ay dalbadaan, waxayna qeyb ka yihiin heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dowladda Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.

Saraakiil u hadashay UNHCR ayaa sheegay in dadkaasi laga soo celinayo xeryaha Dhadhaab inay u dhameystiran yihiin adeegyada ay doonayaan oo caafimaadka uu ugu horeeyo.

UHNCR ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2014 gudaha Soomaaliya lagu soo celiyay qaxooti gaaraya 39,316 ruux, kuwaasi oo dhamaantood laga soo celiyay xerada Dhadhaab. Ugu danbeyntii, hishiiskii seddex geesoodka ayaa ayaa dhigayay inaan qasab lagu soo celin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Comments are closed