Nigeria oo Boolis cusub u soo dirtay Somaliya

boolisMuqdisho (estvlive) 15/01/2017

Taliyaha Booliska howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM, Anand Pillay,ayaa sheegay in xaaladda dib u dhiska Soomaaliya ay meel wanaagsan mareyso islamarkaana ay jiraan kalsooni badan oo ay ku qabaan dib u dhiska Soomaaliya.

Anand Pillay,oo ka hadlayay goob ciidanka ka socda Nigeria ee Booliska ah siminaar looga furay ayaa ciidanka ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan gudashada waajibka ka saaran howlgalka AMISOM,sidoo kalena ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Booliska Soomaaliyeed ee ay tababari doonaan.

 

Pillay,ayaa sheegay in wali qatarta amniga ah ay ka jirto Soomaaliya haddana loo baahan yahay in la dhiso hay’adaha amni sugidda Soomaaliya si looga saaro meesha cabsida dhinaca amniga ah ee ka jirta Soomaaliya.

Waa dufcaddii 6aad oo ka socota Nigeria,waxaana lagu beddelay Dufcaddii 5aad oo bishoo la soo dhaafay ka laabtay Soomaaliya kaddib markii ay muddo Sanad ah ka shaqeynayeen Soomaaliya.

Ciidanka ayaa la shaqeynaya dhigooda Soomaaliya waxaana ay wadajir uga shaqeynayaan nabadeynta iyo wacyi gelinta Bulshada.

Kaaliyaha Taliyaha Booliska AMISOM ee Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa tababarka Booliska AMISOM,ayaa ciidanka cusub ka dalbaday in ay ixtiraamaan xeerarka AMISOM si dhowna ula shaqeeyaan booliska Soomaaliyeed ee SPF.

Waxaa uu rajo ka muujiyay in Booliska Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegi doonaan amniga gudaha Soomaaliya iyaga oo ku shaqeeynaya xeerarka Caalamiga ah ee Booliska oo lagu baray gudaha Dalkooda

xigasho mustaqbalradio

Comments are closed