Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Barnaamijka Hab Nololeedka oo ka dhacay Jigjiga

taJigjiga (estvlive) 16/01/2017

Tababar uu soo agaasimay Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciaga waaxdiisa damaanad qaadka cuntada barnamijkiisa hab nololeedka islamarkaana ay kasoo qaybgaleen dhamaan shaqaalaha barnaamijka oo dhan 56 xubnood ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

 

Hadaba tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay agaasinka damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay ujeedada tababarkan inuu yahay sidii shaqaalaha barnaamijka loo bari lahaa habka iyo nidaamka loo isticmaali lahaa ama looga faaiidaysan lahaa maamulida iyo hab isticmaalka miisaaniyada, Wuxuuna agaasinku intaa kudaray inay shaqaaluhu markay qaataan tababarkan ay ka bixin doonaan degmooyinka uu ka howlgalo barnaamijka, Sidoo kale wuxuu agaasinku xusay inuu tababarkan uu socon doono mudo 6 cisho ah.

Ugu danbayna wuxuu agaasinku tababar qaatayaasha kula dardaarmay inuu mudada uu cashirku socdo la ilaaliyo sacaada maadaamo tababarkan uu yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay inaad dad kale ooga faaiidaysaan.

Comments are closed