Dagaal culus ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Bari

bunAf-urur (estvlive) 16/01/2017

Wararka naga soo gaaray deegaanka lagu magacaabo Af-Urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada Puntland iyo xogagga Al-shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Af-Urur Max’ed Geedi Saalax wareysi siinayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dagaalka u ahaa mid culus oo Al-shabaab doonayaan sida uu hadalka u dhigay in ay ku dhibaateeyaan dadka deeganka.

‘’Aad baa leysaga caabiyay ciidamo iyo shacab looma kala harin, saqdii dhexe xalay ayaay weerarka soo qaadeen, ujeedadoodu waxey aheyd in ay dadka dhibaateeyaan ‘’ ayuu yiri.

Dagaalka saacado kooban socda ayaa lagu waramayaa ina y ku dhinteen 7 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Hassa aheetee guddoomiyaha deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in dhinaca Al-shabaab ka dileen afar ka tirsan xoogagii weerarka soo qaaday.

Degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari oo ay degan yihiin Ciidanka Puntland ayaa waxa ay xaga Galbeedka ka xigtaa Magaalada Boosaaso, waxaana ay u jirtaa 70-KM.

 

Comments are closed