Diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku bur burtay dalka Kyrgyzstan

turkiga diyaaradKyrgyzstan (estvlive) 16/01/2017

 

Diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga lahaa dalka Turkga ayaa ku burburtay dalka Kyrgyzstan, waxayna diyaarada kasoo duushay Hong Kong.

Diyaaradan bur burtay oo nooceedu ahaa Boeing 747 ayaa ku burburtay guryo ku yaala meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Manas oo 25 Km u jira magaalada Bishkek ee caasimada dalka Kyrgyzstan.

Ku dhawaad 15 guri ayaa ku burburay shilka diyaaradda, waxaana la sheegayaa in tiro caruur ah ku jiraan dadka ku dhintay shilka diyaaradeed, oo gaaraya 32 ruux.

“Waxaan tacsideena la wadaageygaa dadka ehelkooda ku waayay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Kyrgyzstan”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkada duulimaad ee  dalka Turkiga.

 

Sawiro laga soo qaaday burburka diyaarada ayaa muujinaya iyada oo dab iyo qiiq uu ka baxayo, waxaana burburay guryo badan oo ay ku dul dhacday.

Ugu danbeyntii, waxaa soo baxaya warar sheegaya in mid kamid ah shaqaalaha diyaarada uu ka badbaaday shilka diyaaradeed, waxaana diyaarada la socday ugu yaraan afar ruux, sida masuuliyiinta dowladda u hadashay ay sheegayaan.

 

Comments are closed