Warbixin: Kiiska Kufsiga ka dhacay degmada Goldogob

Kiiska-Kufsiga-GoldogobGaldogob (estvlive) 16/01/2017

Waxaa baraha internetka maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyey muuqaal laga duubay kufsi ay koox dhalinyaro ah u geysteen gabar da’a yar. Warkan ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay iyadoo ay hada soo baxayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan.

Falkan ayaa dhacay 3 todobaad kahor wuxuuna ka dhacay meel ah baadiyaha magaalada Goldogob ee gobalka Mudug, waxaana la sheegay in ay geysteen lix wiil oo dhalinyaro ah oo da’adoodu u dhaxeyso 13 sano jir illaa 16 sano jir.

 

Booliiska magaalada Goldogob ayaa gacanta ku haya inta badan dhalinyaradan oo qaarkood horey u baxsaday lagana soo kala qabtay goobo kala duwan, mid kamid ah dhalinyarada la hayo ayaa laga soo qabtay gudaha wadanka Itoobiya oo u baxsaday. Balse booliiska ayaa xaqiijiyey inay weli baadi goobayaan mid kamid ah wiilasha falkan lagu eedeeyey.

Arrintan ayaa markii ay soo shaac baxday keentay in Taliska Booliiska Mudug uu ciidamo gaar ah u diro magaalada Goldogob si loo soo wareejiyo dhalinyarada lagu eedeeyey danbiga oo qaarkood ka muuqdaan filimka internetka lagu faafiyey. Waxayse Maxkamadoodu weli ka socotaa degmada Goldogob oo ah halka falka ka dhacay.

Maxkamada ayaa diiday inay faah faahin ka bixiso xogta dhalinyaradan maadaama aysan qaan gaarin illaa inta ay ka dhamaaneyso maxkamadeyntooda.

Gabarta yar ee dhibkan loo geystay ayaa waxaa sidoo kale ku yaal dhaawac kasoo gaaray mindi ama toorey sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirtii baartay iyadoona la sheegay in ay hada arrimaheeda la wareegtay Wasaarada Haweenka ee Puntland, sida uu sheegay Taliyaha Booliiska ee Goldogob.

Dhamaan dhalinyarada falkan geystay iyo gabarta dhibanaha ah ayaa kasoo wada jeeda qoysas qaraabo ah falkan oo aan horey deegaankaasi looga aqoon ayey shacabka si weyn uga argagaxeen.

Illaa iyo hada waxaan si dhab ah loo ogeyn cida ka danbeysa muuqaalka internetka lagu faafiyey oo la sheegay in weli baaritaan lagu wado. Sida muuqaalkaasi ka muuqata filimkan ayaa ah mid lagu duubay mobile ayna duubeen kooxda falkan geysatay.

Comments are closed