Xinhua: 4 xubnood oo ka tirsanaa xarakada Shabaab oo la dilay

shababDiinsoor (estvlive) 16/01/2017

Wakaalada wararka ee Xinhua ayaa sheegtay in 4 xubnood oo ka tirsan xarakada Shabaab lagu dilay koofurta Soomaaliya.

Hawlgal ay wada fuliyeen AMISOM iyo ciidamada dawlada ayaa la sheegay in ay tuulo duleedka Diinsoor ku taala ku dileen xubnahaa ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Waxay kaloo wakaalada wararka ee Xinhua sheegtay in dhowr kale oo Al-Shabaab ah la dhaawacay.

Abshir Macalim Shariif waa guddoomiye ku-xigeenka degmada Diinsoor. Asaga yaa faahfaahin wakaalada wararka ee Xinhua arinkaa ka siiyay.

“Waxaa AMISOM iyo ciidamda dawladu saaka ku dileen afar dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab tuulada Raaxoole oo duleedka Diinsoor ah. Hal askari ayaa dhaawac uu soo gaaray.” Abshir Macalim Shariif  ayaa sidaa yiri.

Wax war ah oo xarakada Shabaab ay kasoo saartay dirirtaa ma jiro.

 

Comments are closed