Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo mooshin ka diyaarinaya Shariif Xasan Sheekh Adam

sharifBaydhaba (estvlive) 18/01/2017

Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa wada qorshe ay xilka uga qaadayaan Madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adam.

 

Xildhibaan Cismaan Maxamed Caato oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in Shariif Xasan Adam uu gudan waayey waajibaadkii loo doortey oo uu ku mashquulsan yahay siyaasado kale. Xildhibaanka ayaa sheegay in 80 xildhibaan ay taageersan yihiin Mooshinka la wado.

Xildhibaan Cismaan ayaa sheegay in ay hadda diyaarinaayaan mooshin ka dhan ah oo ay u gudbinayaan shir guddoonka marka kalfadhigoodu furmo.

Cismaan Maxamed Caato ayaa sheegaya in dastuurka Koonfur Galbeed uu qorayo 90 xildhibaan waxaana xildhibaanadu hadda yihiin 124 Xildhibaan taas oo u baahan in la xaliyo.

Jidkii Galmudug

54 Xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Galmudug ayaa dhawaan xilka ka qaadey Madaxweynaha Galmudug kadib markii ay ku eedeeyeen xil gudfasho la’aan.

Comments are closed