Cayaaryahan Max’ed Abuu Tariika oo lagu diray liiska argagixisada

ciyaarnyahan argagixisoMasar (estvlive) 18/01/2017

Xukuumada Masar ayaa liiska waxa loogu yeero Argagaxisada waxa ay ku dartay Ciyaaryahankii hore ee Kooxda Al Ahli iyo xulka Qaranka Masar Maxamed Abuu Tariika, oo lagu eedeeyay in uu taageeray Kooxda Ikhwaanul Muslimiin.

War kasoo baxay dowladda Masar ayaa lagu sheegay in Maxamed Abuu Tariika uu maal galiyay kooxda laga mamnuucay dalka Masar ee Ikhwaanul Muslimiin, waxaa ayna dowlada sheegtay in ciyaarayhankan hore lagu daray liiska argagaxisada.

Ciyaaryahan Abuu Taariika ayaa dambiya dowlada Masar ku heesato waxaa kamid ah in sanadii 2012-kii uu taageeray Madaxweynihii sharciga lagu doortay ee Maxamed Morsi iyo Ururka Ikhwaanul Muslimiin , waxaana Dowlada masar dadka ay ku hesho in Ikhwaanka taageeraan kusoo oogtaa dambiyo iyadoon kala noqota baasaboorka kuna soo oogta dacwado.

Qareenka u doodaya ciyaarayhankii hore xulka  Masar Abuu Taariika ayaa sheegay in go’aanka liiska Argagaxisada loogu daray ninka uu wakiilka ka yahay ay tahay mid sharciga hareer marsan.

Ugu danbeyntii Abuu Tariika ayaa ahaa ciyaaryahan caan ka noqday Dunida kadib markii uu wacdaro badan ka dhigay kubada cagta, waxa uuna Ciyaaryahankan ku guuleestay abaal marinta BBC-da ciyaaraynka ugu fiican Afrika sanadii 2008-dii.

 

Comments are closed