DAAWO USA: Obama oo cafis u fidiyey Askarigii sirta Maraykanka siiyey Wikileaks – VIDEO

daawoMareykanka (estvlive) 18/01/2017

Madaxweyne Obama oo xilka wareejinaya maalinta Jimcaha ayaa awoodiisa Madaxweyne u adeegsaday inuu xabsiga laga siidaayo Askarigii Bradley Manning oo ahaa ninkii sanadkii 2009 bixiyey sirtii ugu dabneyd ee Ciidamada Maraykanka iyo xasuuqii ay ka geysteen dalka Ciraaq.

Askarigan ayey maxkamada Militariga ku xukuntay 35 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay danbiga ah bixinta sirta Qaranka, wuxuuna hada xabsiga ku jiray muddo ku dhaw 7 sano ah, askarigan oo la sheegay inuu u dhacay xanuunka dhimirka ayaa labo goor isku dayey inuu is dilo sanadkii lasoo dhaafay. B. Manning ayaa mar danbe magiciisa u bedalay Chelsea Manning.

 

Sirta oo ay sidoo kale ku jireen qoraaladii ay isdhaafsan jireen Diblumaasiyiinta Maraykanka ee caalamka ku kala sugan ayaa lagu shaaciyey Shabakada Wikileaks. Arrintaasi oo dhalisa xiisado badan maadaama dalal badan ay ogaadeen qoraalada sirta ah oo ay diblumaasiyiinta Marayanka ka diyaariyaan.

Siideynta askarigan ayey si weyn usoo dhaweeyeen dadka u ololeenayey ninkan, iyagoo horey u sheegay in askarigaasi uu ahaa qof u dagaalamayey xaquuqul insaanka markii uu bixiyey sirta Maraykanka iyo gaboodfalada ciidamadooda ka geysteen dagaaladii ka dhacay Ciraaq iyo Afghanistan.

Sarkaalkii ka baxsaday Maraykanka Edward Snowden oo isaguna sirta Maraykanka bixiyey oo hadda ku sugan Ruushka ayaa soo dhaweeyey go’aanka Obama, sidoo kale shabakada Wikileaks ayaa u riyaaqday go’aanka Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Barack Obama.

Hay’ada Human Rights Watch ayaa maalmihii lasoo dhaafay olole ugu jirtay in askarigan lasii daayo, hay’adan oo waraaq furan todobaadkan u dirtay Madaxweyne Barack Obama.

Comments are closed