Xarrakada Al-shabaab oo dishay mid ka mid ah askarta AMISOM oo mudo dheer u xirnaa

shabaabUganda (estvlive) 18/01/2017

Al-shabaab ayaa ku soo bandhigay bogaga taageera sawirka iyo muuqaal video ah kaa soo ah dil ay ku fulisay askari u dhashay dalka Uganda oo muddo dheer u xirnaa.

Muuqaal kooban ayaa lagu soo bandhigay askarigan oo magaciisa lagu sheegay Masassa kaasoo ka mid ahaa ciidamadii ka howlgalayay saldhig milatarioo ay ciidamad Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale kaasoo ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab bishii September 2015.

Askarigan ayaa waxaa isagoo ku xiran katiinad waxaa toogasho ku dilaya mid kamid ah Alshabaab oo dhinaca dambe ka tooganaya.

Warbaahinta dalka Uganda oo si weyn u hadal haysa arintaani ayaa sheegaya in Askarigaasi ay dhagaha ka furaysatay dowladda, waxaana qaar ka mid ah ehelada askarikaasi ay sheegeen in ay muhiim aheyd in dowladdu ay wadahadal la gasho Al-Shabaab ka hor inta aan la toogan.

Ururka Alshabaab ayaa  waxaa gacanteeda ku jira askari dhowaan ay ka qafaalatay xero ku taal degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Ugu danbeyntii, lama sheegin halka ay toogashadan ka dhacday inkastoo ururka Alshabaab marka uu fulinayo xukunnada dilka ah badanaa ku soo bandhiga meel fagaaro ah oo ka mid ah deegaanada ay maamulaan.

 

Comments are closed