Xildhibaano eedeyn u jeediyay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed

galbedBaydhaba (estvlive) 18/01/2017

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan xil gudasho la’aan, iyaga oo intaa ku daray in diyaarinaya mooshin kalsoonida lagala noqonayo.

Xildhibaan Cismaan Max’ed Caato oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka K/galbeed, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay socto qabanqaabada diyaarinta sida uu hadalka u dhigay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ay u gudbin doonaan guddoonka baarlamaanka.

‘’Mar rabno in aan hada ka hor dhacno mooshinka, kulamo ayaan inoo socda marka ay kulamadaa inoo soo dhamaadaan, islamarkaana mooshinka dhinaceena uu ka soo dhamaado, ayaa si rasmi ah ugu gudbin doonnaa guddoonka baarlamaanka maamulka K/galbeed, ayuu yiri’’ xildhibaan Caato.

Shariif Xassan ayeey ku eedeeyay in mudadii uu xilka hayay gabi ahaanba ka gaabiyay howlihii loo idmaday, iyaga oo intaa ku daray in taa badalkeeda uu ku dhax milmay siyaasada dowlad dhexe.

Dhawaan ayeey aheyd markii siyaasiyiin ka soo jeeda deegaannada K/galbeed ku eedeeyeen madaxweynaha in uusan waxba ka qaban xaalada abaarta ka jirta deegaannadaas iyo go’doominta Al-shabaab ay ku hayaan dadka ku dhaqan degmooyin dhowr ah oo hoostaga gobollada Baay iyo Bakool.

Eedeymahan iyo mooshinka xildhibaannadu sheegeen in ay ka gudbinayaan Shariif Xassan ayaa imanaya xili dhawaan xildhibaanno ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweynaha Galmudug.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2017/Jan/wararka_maanta18-129370.htm#sthash.1FTv1Up7.dpuf

Comments are closed