DAAWO Mali: 60-Qof Dhimasho Weerar Ismiidaamin ka dhacay – VIDEO

maaliMaali (estvlive) 19/01/2017

Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo Arbacadii shalay ka dhacay magaalada Gao ee waqooyiga wadankaasi Mali.

Waxaa la filayaa in khasaaraha dhimashada ay intaasi kasii badato, maadaama in ka badan 100 qof ku dhaawacmeen weerarkaan kuwaasi oo qaarkood xaalkoodu liito.

 

Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari bambaano lasoo saaray oo lagu dhex qarxiyey xerada militariga ee ku taal magaalada Gao ee ah magaalada ugu weyn Waqooyiga Mali. Weerarkan ayaa lagu sheegay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalkaasi.

Kahor intaan gaariga lagu dhex qarxigan xerada ciidanka, ayuu darawelkii waday sii jiirsiiyey dad badan oo ku sugnaa nawaaxiga xerada isagoona xoog ku galay gudaha Xaruntaasi kadibna qarxiyey gaariga.

Weerarkan ayey sheegatay kooxda Xagjirka ah ee Al Muraabituun ee ka tirsan shabakada Al Qacida. Kooxdan ayaa horey weeraro uga geystay dalal kala duwan ee Waqooyi galbeed Afrika.

Comments are closed