Dowladaha Galbeedka Afrca oo isku diyaarinaya in ay gudaha u galaan dalka Gambia

gabimyaGambia (estvlive) 19/01/2017

Ciidamada Senegal ayaa sheegay in milatariga galbeedka Afrika ay tallaabo ka qaadi doonaan Gambia, haddii aan madaxweyne Yahya Jammeh uusan aqbalin in uu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha ku guulaystay doorashadii bishii hore.

 

Afhayeenka milatariga ayaa sheegay in ciidamada Senegal ay joogaan xudduuda Gambia, iyaga oo u diyaarsan in ay gudaha u gallaan dalka, haddii uu arintaa ka dalbado madaxweynaha la doortay.

 

Nigeria ayaa u soo dirtay diyaarado goobta oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka, waxaana ay sheegtay in Nigeria in ay badbaadineyso muwaadiniinteeda ku sugan dalka Gambia. Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa dalka Gambia. Mr Jammeh ayaa diiday inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow oo hadda jooga Senegal. Ugu danbeyntii, kumanaaan dalxiisayaal ah ayaa waddanka laga soo bixiyay iyagoo lagu soo qaaday diyaarado qaas ah

Comments are closed