Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmad oo Dhaliil Adag u Jeediyay Madaxweyne Xassan Sheekh

xasan shMuqdisho (estvlive) 19/01/2017

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmad ayaa aad u weeraray Madaxweyne Xassan Sheekh.

Asagoo khudbad u jeedinaayay dad taageero u ah asaga gudaha caasimada Muqdisho ayaa Shariif Sh Axmad uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku lug yeeshay musuqmaasuq baahsan.

 

Wuxuu weeraray Madaxweyne Xassan Sheekh durba mar uu dhawaan kasoo laabtay safar dibada ah ayadoo doorashadii madaxweynenimana la saadaalinaayo goor dhow inay dalka ka qabsoonto. Shariif  Sh Axmad ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka hortaagan yahay xilka madaxweynenimo.

Wuxuu sheegay in amniga Soomaaliya uu ka xun yahay sidii uu markii uu xilka wareejiyay uu ahaa. Wuxuu sheegay in iminka xarakada Al-Shabaab ay halis weyn ku tahay dalka.

Wuxuu ku daray in afar sano ka hor markii la doortay  Madaxweyne Xassan Sheekh  uu ballan qaaday adkeynta amniga dalka.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu yiri waagaa dadka Soomaaliyeed inay nabad dareemaan inuu ka shaqeynaayo,

Hada wuxuu sheegay in Muqdisho ay kala xirxiran tahay oo isu socodku xaddidan yahay.

Wuxuu sheegay in halkudhagga ‘qabyo qofkiisaa dhammaystira’ ee uu Madaxweyne Xassan Sheekh isticmaalo uusan ahayn munaasab uusana u adeegsanayn wixii loogu talo galay.

Wuxuu sheegay in qofka hawshii ikhtiyaar uu u leeyahay ee aan mid qaran ahayn ay tahay tan loo isticmaalo halkudhagga ‘qabyo qofkiisaa dhammaystira’ balse hawsha qaran aysan munaasib ku ahayn kuna samayn.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh  hadba intuu lacag qasnada dawlada ka soo bixiyo uu u isticmaalo inuu ololihiisa doorashada ku qarash gareeyo taasoo musuq ah.

Wuxuu sheegay qarashkaa inuu yahay kan dekada iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kasoo xarooda ayadoon ciidamadana bilo badan mushaar lasiin.

‘Ciidamada qalabka sida 8 bilood in ka badan mushaar lama siin. Barnaamijkeyga waxaa ugu weyn amniga. In ciidamada loo dhammaystiro qalabkooda’. Siyaa ayuu yiri Shariif Sh Axmad.

‘Ayadoo naloo sheegayo in dekada kaliya ay dhowr malyan kasoo xarooto waxaan la yaaban nahay lacagahaasi meesha ay aadaan. In ayadoo lacagahaas oo dhan jiraan hadana ciidamadu mushaar aysan helin taasi waxay muujinaysaa fasaadku meesha uu gaaray’.

Wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu doorashada soo socota ku guuleysan doono 100% wixii ummada uu u soo qabtay darteed iyo khibradiisa dhanka hoggaanka ah ee uu helay laga soo bilaabo waagii maxkamadaha iyo dawladiisii kumeelgaarka ahayd.

Shariif Sheekh Axmad ayaa madaxweyne ka ahaa dawladii kumeel gaarka intii u dhexeysay 2009 ilaa 2012.

 

Comments are closed