Donald Trump Oo Loo Dhaarinayo Madaxweynaha Maraykanka

3C52C83F00000578-4140152-image-m-148_1484924342915Mareykanka (estvlive) 20/01/2017

Saacadaha soo socda waxa xilka madaxweynaha  maraynkanka loo caleemo saari  doonaa Donald Trump  oo xilka kala wareegaya madaxeynihii hore ee Barak  Obama oo sideed sanno ee u dambeeyay hayay.

Xafladda caaleemo saarka waxaa ka qaybgalaya ilaa iyo hal milyan  oo qof oo goobjoog ka noqon doona munaasabada,  oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee maraykanka iyo xubno ka tirsan labad aqal, waxaa kaloo shaashadaha telefishanada ka daawan  malaayiin  qof oo kale oo Caalamka.

 

 

70 jirkan maalqabeenka ayaa 8 fiidnimo ee xiliga geeska afrika  waxaa loo dhaarin doonaa madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka, iyadoo lagu dhaarin doono inuu difaaco, uuna ilaaliyo dastuurka dalka maraykanka.

Trump ayaa khudbad u jeedin doono goobta lagu dhaarinayo ka hor inta uusan tegin aqalka Cad oo macasalaamayn doono madaxweyna Obama iyo marwadiisa .

Mudaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeeda  madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa ka socda magaalooyinka Washington iyo Newyorka iyadoo

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu midayn doono dadka maraykanka marka uu xilka la wareego.

 

Comments are closed