Koobka Is dhex-galka Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee Switzerland oo la soo Gaba-gabeeyay  

2017120636204774802053895IMG-20170117-WA0014Switzerland (estvlive) 20/01/2017

Tartan ciyaareed Kubadda cagta ah oo lagu qabtay maalinimadii Axada15/01/2017 magaaladda Zürich ee wadanka Switzerland ayaa waxaa ka soo qeyb galay siddeed Koox oo ka kala socday gobolada Zuirkch-Bern- Lizern iyo Kontn Swiss.

 
2017120636204775298998322IMG-20170117-WA0019Ujeeddada kulankaan loo qabtay ayaa  waxa ay ahayd is dhex galka iyo is barashada dhallinta Soomaaliyeed ee Swiss-ka ku nool.

Kulankan  waxaa soo qaban-qaabiyay Guddiga Sportiga iyo is dhexgalka dhallinyaradda ee magaaladda Zürich oo uu hormuud u ahaa Cashar Xasan Cumar.

Magacyada Gudiga qabanqabada waa;-

Cashar Xasan Cumar (Gudoomiye)
Xasan Sacad (Carbeeto) (Xubin Gudi)
Axmed Saalin,(Xubin Gudi)
Ciil Tire(Gudoomiyaha ZUG) (Xubin Gudi) iyo Saciid Cali Xidig (KABTAN)Ururiyaha iyo isu keenida dhalinta Kubadda cayaarta…

Kulankaan ciyaareed oo muddo siddeed saac ah socday waxaa ciyartii Finaalka isugu soo baxay labada Koox ee kala ah (FC XAMAASvs FC SOMALI STAR ZÜRICH) waxaan Koobkii ku guuleystay Kooxda FC STAR ZÜRICH.

Ugu dambeentii kulankaani waxaa uu ku soo dhamaaday Asluub wanaag iyo is tixgelin, iyadoo dadweynihii ka soo qeyb galay aad ugu farxeen.

Waxaana Koobkii guddoonsiiyey Guddoomiyaha qabanqaabadais dhexgalka dhalinta Mudane Cashar Xasan Cumar.

 

Comments are closed