Muqdisho:Hanti Dhowraha Guud oo Ka Digay in La Boobo Hantida Qaranka Xiliga Kala Guurka.

Hantidhowrka-GuudMuqdisho (estvlive) 20/01/2017

Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka digay in hantida qaranka si aan sharci ahayn looga faa’iidaysto xiliga kala guurka  ee dalku ku jiro doorashadda madaxtinimadda

Hanti-dhowraha oo ka qaybgalayay Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa TVga Qaranka ayaa sheegay in aysan jiri doonin Hanti Qaran oo looga faa’iideysto xiliga dalku uu ku jiro kala guurka, wuxuuna tilmaamay xafiiskiisa inuu ka war haayo Hantida Qaranka oo dhan.

“waxaan u xaqiijinaynaa Shacabka Soomaaliyeed inaysan jirin Hanti Qaranku uu leeyay oo la boobayo xiligaan dalku uu ku jiro kala guurka, waxaan lee nahay xafiis gaar ah oo arrimahaasi si dhow ula socda.” Sidaasi waxaa yiri Hanti dhowraha Guud ee Qaranka.

Dhinaca kale, hantidowruhu wuxuu sheegay in dhamaan madaxda dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee xilka haya ay masuuliyada ka saarantahay ilaalinta hantida qaranka, wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda iyo ciidamada Qaranka oo dhan inay la shaqeeyaan Xafiiska Hanti Dhowrka.

Gabagabadii, Magaaladda muqdisho waxaa hadda ka socoto qabanqaabdda doorashadda aqalka sare iyo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa bishan 11keedii la doortay guddoomiyaha barlamaanka federaalka oo hadda aha madaxa ugu sareeya ee Daalka

Comments are closed