Trump Oo Noqday Madaxweynihii 45aad ee Maraykanka.

madaxweynaha-MaraykankaMareykanka (estvlive) 20/01/2017

Donald John Trump ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, munaasabad ka dhacday aqalka Capitol Hill ee congress-ka Mareykanka.

Dhaarinta ka dib, Madaxweyne Trump wuxuu khudbad ka jeediyay munaasabadii caleemo saarka, wuxuuna u mahadceliyay madaxweynihii hore Barack Obama, oo uu xilka uu kala wareegay.

 

wuxuu Khudbadiisa ka hadlay ballanqaadyadii uu sameeyay xiligii doorashadda ee arrimaha dhaqaalaha, Socdaalka , wuxuu ammaanay laamaha amniga ee maraykanka, isagoo dadka maraykanka u sheegay inaysan jirin wax ay ka cabsadaan.

“Waxaan mideyndoonnaa dunida ilbaxday si ay ula dagaasho islaamka xagjirka ah, taas oo dunida aan ka sifeyn doono”. ayuu yiri Trump

Trump oo la doortay 8 bishii November 2016, wuxuu marayknka hoggaamin doonaa afarta sano ee soo socota.

Ilaa iyo Hal milyan oo qof ayaa ka qaybgalay xafladda dhaarinta iyo caleemo saarka Donald Trump, waxaa kaloo jira mudaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo dhaarinta Madxweynaha oo ka dhacay magaaladda Washignton.

Comments are closed