Dhismooyin Cusub oo Bartamaha Magaalada Fiiq Laga Hirgalinayo (Warbixin+Sawiiro)

16244908_1881357475475294_1907469701_oJigjiga (estvlive) 22/01/2017

Waxaa magaalada Fiiq xarunta Gobolka Erer ka socda Mashaariicyo hormarineed waxaana ka mid dhismooyin cusub oo islamarkaana leh tayooyin heer sare xaga dhismaha kuwaasi kaalin mug-leh ka Qeybqaadanayaan bilicda magaalada Fiiq ee Xarunta Maamulka Gobolka Erer.

 

16229723_1881357458808629_1406428544_oMashaariicdan dhismaha ayaa laga hirgaliyay bartamaha magaalada Fiiq waxaana gacanta ku haya howsha fulinteeda Iskaashato lamagac baxday HALKAN oo ay ka mid yihiin dadkii waxyeelada u geysatay Nabad-diidka sidoo kale Mashaaricdan ayaa waxaa shaqo abuur ka helay bulshada ku dhaqan magaalada fiiq mid ka mid ah shaqaalaha dhismaha ayaa warbaahinta deegaanka u sheegay in xukuumadda dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ay wax weyn ka qabatay deegaanka waxaan helay shaqo waxaan kaloo shacabka ay magaalada ay heleen guryo dhismahooda iyo tayadooda aad u sareysa labada dhan weynu faaidnay ayuu yiri.

16196553_1881357508808624_413488895_oMaasuuliinta degmada Fiiq uu horkacayo Gudoomiyaha Degmada Fiiq mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan iyo Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Hormarinta dhaqaalaha ee Degmada Fiiq Marwo Khadro Maxamuud xasan Iygoo kurmeer ku soo gaadhay goobta dhismaha laga wado in ay u kuurgalaan sida ay howlaha shaqo ay u socdaan islamarkaana sidii ay gacan uga geysan lahaayeen islamarkaana Iskaashatadan waqtigii loogu talagalayay usoo gabagabeyn lahaayeen.

16244831_1881357495475292_34185320_oIskaashatada halkan ayaa waxey warbaahinta u sheegeen in dhismahan uu ka mid yahay Xukuumada dawlad deegaanka Somalida Itoobiya dadaal xoogan oo ay kawado guud ahaan deegaanka ayna ka hirgalineysao mashaariicyo hormarineed oo faaido u ah shacabka deegaanka .

16229965_1881357505475291_1473754410_o

Comments are closed