Wararkii ugu danbeeyay dab xalay ka dhacay suuqa degmada Dherkeenley  

muqdisho

 

Kooxaha dabdamiska ayaa la sheegay in ay si dhaqsa ah u tagi waayeen madaama xili habeennimo ah uu dabka kacay, taasoo keentay in dabku ku faafo inta badan suuqa, gaar ahaan qeybaha lagu iibiyo Dharka iyo Kabaha.

Ganacsatada qaarkood ayeey u suurtagashay in ay albaabahooda kala baxaan goobaha ganacsiga ka hor inta uusan dabka soo gaarin, halka kuwa kalana ay u suurtagali weyday in ay agabkooda ganacsi la baxaan.

Ilaa iyo hada qiimeyn rasmi ah laguma sameyn inta uu khasaarah la eg yahay hasse ahaatee waxaa hubaal ah in hanti badan ay halkaa ku bur burtay, waxaana marka la eego dabka xalay ka dhacay suuqa degmada Dherkeenley lagu tilmaami karaa in uu ahaa mid saameyn badnaa dabkii shalay ka kacay suuqa Bakaaraha

Comments are closed