Jigjiga oo Maanta Lagu Qabtay Xuskii 16aad ee Maalinta Xoolo-dhaqatada Itoobiya

ddsi1Jigjiga (estvlive) 25/01/2017

Waxaan manta Xarunta Maamulka DDSI Ee Magaalada jigjiga lagu Qabtay xuska Maalinta Xoolo-dhaqatada Xuskii 16aad ee Heer Qaran ayaa Munaasabada Xuska Siweyn loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada jigjiga.

 

dds3Waxaa kasoo Qeybgalay Xuska Masuuliyiinta ugu sareysa Xukuumada Federaalka Itoobiya Iyo Masuuliyiinta ugu sareysa Dawlad deegaanada Itoobiya Waxaa ugu Horey Xafladaasi daah furay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa ugu mahad celiyay Xukuumada Dawlad deegaanka Somalida Itiibiya uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Masuuliyiinta kale Heer deegaan ilaa heer degmo.

ddsi7Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa inta ku daray in dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Sida aan horey uga sheegay baarlamaanka Itoobiya waa Ismaamul ku dayasho mudan islamarkaana ismaamulada kale uu at cashar ka bartaan ayuu yiri Hailemariam Desalegn

ddsi6Wuxuu intaa ku daray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn in dawlad deegaanka Somalida Itoobiya at dagaal adag lagaleen kooxda Nabad-diidka islamarkaana waqtigan xaadirka ah ay u jaheysteen dhanka hormarka iyo maamulka Suuban taasi manta waxaa u marqaati u ah in Xusaska waaweyn ee heer qaran in manta Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya lagu qabto islamarkaana ay u soo bandhigaan si caalami ah ay dhamaan wafuudii ka soo qeybgashay ay aad ugu farxeen.

ddsi2Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ku amaanay In uu mudan yahay Shahaado shafar islamarkaana gudoonsiyay, Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar kana warbixiyay Taariikhdii ay Soo Martay Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Waqtigan Xaadirka ah jihooyinka Siyaasadeed ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya uu ku talaab saday waqtigan xaadirka ah iyo caqabadihii soo maray sida ay uga talaabsadeen iyo halka ay manta tiigsanayaan.

Comments are closed