Shir Qiimayn ah Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI oo ka dhacay Magaalada Jigjiga

ibraahim sacabJigjiga (estvlive) 26/01/2017

Shir qiimayn ah oo ay kasooqaybgaleen dhamaan shaqaalaha geedisocodyada kaladuwan ee xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana uu shirgudoon ka ahaa Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadam Mahad ayaa si habsami leh uga qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

 

Hadaba, shirkan ayaa waaxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadam Mahad oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay qiimayn la iskula xisaabtamayo waxqabadka shaqsi kasta oo xafiiska kamid ah iyadoo shaqaalaha kale ee xafiiskuna ay u soo dhigayaan dhaliilaha uu leeyahay. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in la isku qiimaynayo dhinaca waxqabadka, shaqowanaaga, ilaalinta saacadaha shaqada, kamidho dhalinta qorshayaasha gaagaaban iyo qorshayaasha dhaadheer ee xafiiska uyaala, hirgainta siyaasada waxabarashada ee dalka iyo deegaankaba.

sacabSidookale, dhankood qaarkamid ah shaqaalihii kasooqaybgalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin shirkan qiimaynta ah ee laisku qiimaynayo iyagoo sheegay in qiimayntu ay tahay mid aad muhiim u ah.

Iskusoo wada duuboo, waxaa xusid mudan in kahor qiimaynta intaan labilaabin shaqaalaha loo soo bandhigay casharo muhiim ah oo kahadlaya nidaamka dawladnimo ee dalka ee ah developemental government, dastuurka dalka, nidaamka-federalismka iyo waliba shuruucaha kala duwan ee u yaala shaqaalaha dawlada kaasoo ah mid ifinaya qiimaynta.

Comments are closed