1.000 qof oo qaxooti ah oo badbaadiyey Badda Dhexe

qaxootiTalyaaniga (estvlive) 28/01/2017

Maalintii shalay ee jimcada waxaa laga soo badbaadiyey Badda Dhexe (Mediterranean sea) qaxooti gaaraya 1000 qof. Sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Talyaanigu qof meyd ah ookamid ahaa qaxootiga ayaa laga soo saarey biyaha.

 

Qaxootiga ayaa watey 6 doonyood oo ah nooca la buufiyo iyo saddex ka samaysan qori ayaa la soo badbaadiyey Jimacadii.

Sida laga soo xiganayo Wasaaradda Arrimaha ee Talyaaniga waxaa kor u kacay tirada qaxootiga dalkaas soo galay sanadkii 2016 kuwaas oo gaarey 180 000 oo qof. Qaramada Midoobey ayaa sheegaysa in dad ka badan 5000 oo qof ay ku geeriyoodeey Badda Dhexe iyaga oo doonaya in ay gaaraan dalalka Turubta Koonfureed.

Comments are closed