DAAWO Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo todobaadkan safar ku maraya deegaano ka tirsan gobalada Bari iyo Karkaar oo ay usoo guureen inta badan dadka reer Guuraaga ee ka kala yimid gobalada Soomaaliya ayaa gaaray degmada Bander Bayla ee gobalka Karkaar. Madaxweyne Gaas oo kasoo kicitimay magaalada Xaafuun ee gobalka Bari ayaa dhulka u dhaxeeya Xafuun iyo Bayla kormeer ku tagay gooba ay ku sugan yihiin dadka reer guuraaga ah ee kasoo hayaamay qeybo kamid ah gobalada Somaliland, Bartamaha Soomaaliya iyo deeganada kale ee Puntland. Kulamo uu la yeeshay wafdiga Gaas hogaaminayo qaar kamid ah dadkaasi ayaa looga hadlay baahida hada taagan iyo kaalinta dowlada Puntland ka geysan karto cabashooyinka shacabka sida ba’an ay u taabatay abaarta ka jira dalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Qardho isagoo la filayo inuu uga sii gudbo magaalada caasimada ah ee Garowe. Horseed Media

kuriyaK/Waqooyi (estvlive) 28/01/2017

Warbixin ay soo saareen hay’adaha cilmi baarista ee saldhigoodu yahay Maraykanka ayaa lagu sheegay in Dowlada Kuuriya Waqooyi ay bilowday dhaq dhaqaaq xoogleh oo ay ku kicineyso Warshadeeda ugu weyn ee soo saarta hubka nukiyeerka ee Plutonium-ka.

 

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay sawiro Satelliet-ka oo laga soo qaaday Warshadaha Nukliyeerka ee wadanka Kuuriya Waqooyi oo hada muujinaya dhaq dhaqaaqa ka socda xarumahaasi.

Dowlada Kuuriya Waqooyi oo dhawaan la saaray cunaqabateyn horleh oo ku aadan tijaabinta Nukliyeerka iyo Gantaalada ridada dheer ayaa sheegtay inay u diyaar garoobeyso weerar kasta oo uga yimaada dhinaca Maraykanka iyo xulafadiisa.

Dowladihii hore ee Maraykanka ayaa cadaadis diblumaasiyadeed ku hayey xukuumada Kuuriyada Waqooyi, balse dowlada cusub ee Maraykanka oo hada uu muuqata mid ku mashquulsan arrimaheeda gudaha ayaa la filayaa inay sii dhiiri gelisay in Kuuriyada waqooyi ay dar dar siigeliso horumarinta hubkooda culus ee Nukliyeerka.

Comments are closed