DAAWO Safarkii Madaxweynaha Puntland ee degmada Bander Bayla – VIDEO

gaasBander-bayla (estvlive) 28/01/2017

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo todobaadkan safar ku maraya deegaano ka tirsan gobalada Bari iyo Karkaar oo ay usoo guureen inta badan dadka reer Guuraaga ee ka kala yimid gobalada Soomaaliya ayaa gaaray degmada Bander Bayla ee gobalka Karkaar.

 

Madaxweyne Gaas oo kasoo kicitimay magaalada Xaafuun ee gobalka Bari ayaa dhulka u dhaxeeya Xafuun iyo Bayla kormeer ku tagay gooba ay ku sugan yihiin dadka reer guuraaga ah ee kasoo hayaamay qeybo kamid ah gobalada Somaliland, Bartamaha Soomaaliya iyo deeganada kale ee Puntland.

Kulamo uu la yeeshay wafdiga Gaas hogaaminayo qaar kamid ah dadkaasi ayaa looga hadlay baahida hada taagan iyo kaalinta dowlada Puntland ka geysan karto cabashooyinka shacabka sida ba’an ay u taabatay abaarta ka jira dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Qardho isagoo la filayo inuu uga sii gudbo magaalada caasimada ah ee Garowe.

Comments are closed