Britain oo sheegtay in aysan taageersanayn go’aanka Trump

_93857108_c5d7fd24-d3b2-41e9-90bc-c0f9222be375London (estvlive) 29/01/2017

Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in aysan taageersanayd go’ananka madaxweyne Trump uu uu dhawaan ku gaaray in uu dalka si ku meelgaar ah uga mamnuuco muhaajiriinta iyo dadka ka toddobo waddan oo Muslimiin ah.

Afhayeen u hadlay May ayaa sheegay in tallaabada Trump aysan ahayn mid Britain ay ku dayan doonto oo ay qaadeyso.

Theresa May oo noqotay hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ajnebi ah oo la kulmo Trump tan iyo markii xilka loo dhaariyay ayaa kal hore lagu dhaliilay in ay diiday in ay cambaareyso go’aanka Trump.

Ra’iisalwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in dalkiisa uu soo dhawayn doono dadka ka soo cararay cabburinta, argagixisada iyo colaaddda, iyaga oo aan loo eegeyn diintooda.

Go’aanka madaxweyne Donald Trump uu ku hakiyay dadka ka safraya toddobo dal oo Muslimiinta ay u badan yihiin ayaa waxaa cambaareeyay ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ee daafaha caalamka ku nool.

Qaramada Midoobeey ayaa ugu baaqday Trump in uu sii wado soo dhoweynta qaxootiga, iyada oo aan la eegeyn jinsiyaddooda, dalka ay ka soo jeedaan iyo diintooda.

xigasho bbcsomali

Comments are closed