DAAWO USA: Xildhibaanad Ilhan Cumar oo ka hadashay go’aankii Trump ee dalalka Muslimiinta – VIDEO

ilhanMareykanka (estvlive) 29/01/2017

Xildhibaanad Ilhan Cumar oo ka tirsan Baarlamaanka Minnesota ayaa ku tilmaamtay wax laga xumaado wareegtadii Trump ku hakiyey socdaalka muwaadiniinta 7 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto 90ka maalmood ee soo socda.

 

Go’aankan ayaa dhaliyey mudaharaadyo ka bilowday gudaha Maraykanka oo looga soo horjeedo amarkan Madaxweyne oo lagu tilmaamay mid dhaawaci doona sumcada Maraykanka iyo xiriirka uu la leeyahay dalalka Islaamka.

Ilhan Cumar oo u warameysay Telefishinka CNN ayaa sheegtay in wax lala yaabo ay tahay dalalka xayiraadan uu saaray Trump ay yihiin wadamada Muslimiinta ah oo uu Maraykanka lug weyn ku lahaa dagaalada ka socda dhulkaasi, sidoo kale dalalkaasi ayaa ah kuwo aan ka qeyb qaadan wax weeraro argagaxiso ah oo ka dhacay gudaha Maraykanka.

Dalalka xayiraada la saaray ayaa lagu sheegay wadamada uusan Donald Trump la lahayn wax xiriir ganacsi ah.

IRAN oo u jawaabtay Trump
Dowlada IRAN oo kamid ah wadamada Xayiraada lagu soo rogay Muwaadiniintooda ayaa shaacisay inay iyaduna xayiraad saari doonto Muwaadiniinta Maraykanka inaysan imaan karin dalkooda, go’aankaasi oo ay xukuumada Tehran sheegtay inay ugu jawaabeyso warkii kasoo baxay Trump.

Wadamada kale ee muwaadiniintooda xayiraada la saaray ayaa kamid ah Soomaaliya, Sudan, Yemen, Liibiya, Ciraaq iyo Siiriya, dalalkan ayaan iyagu weli sheegin waxay ay uga jawaabi doonaan go’aanka Madaxweynaha cusub ee Maraykanka.

Comments are closed